Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxay tahay sababta uu isu casilay madaxweynaha Kosovo?


Kosovo, Pristina, Hashim Thaci
Kosovo, Pristina, Hashim Thaci

Madaxweynaha dalka Kosovo Hashim Thaci ayaa maanta is casilay, kaddib marki uu ogaaday in Maxamadda Danbiyada Dagaalka ee The Hague ay furtay dacwad isaga ka dhan ah oo ah inuu ku lug leeyahay danbiyo dagaal.

Shir jaraa’id oo uu Khamiista maanta ah ku qabtay caasimadda Kosovo ee Pristina ayuu Thaci ku sheegay, in iscasilaaddiisa ay lagama maarmaan dhowrista sharafta qarrannimada Kosovo, maadaama uusan makamadda kori karin isaga oo huwan xasaanadda madaxweynaha.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Thaci uu mas’uul ka yahaym dilka ku dhawaad 100 qof oo rayid ah inti lagu guda jiray dagaalki Kosovo ee sannadihi 1998-99. Hashim Thaci waa uu beeniyay dhammaan danbiyada lagu soo eedeeyay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Kosovo, Vjosa Osmani, ayaa lagu wadaa in si kumeel gaar ah ay ula wareegto jagada madaxweynaha.

XS
SM
MD
LG