WASHINGTON, D.C —
Soomaali badan oo degan gobolka Virginia ayaa Talaadadi shalay codadkooda ka dhiibtay, doorashada madaxtinimada.
Meelaha ay ka codeeyeen ayaa waxaa ka mid ah, magaalooyinka Arlington, Alexandria, Ananndale iyo kowntiga Fairfax. Qaar ka mid ah Soomaalidaas ayaa waxaa iyaga oo codeynaya wareystay wariyaha VOA-da Nur Bukhari.