Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Goobihii ugu horreeyey ee codbixinta Mareykanka oo goordhow xirmay


Goobaha codbixinta ayaa bilaabanaya in ay xirmaan dalka Mareykanka fiidnimada Talaadada, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriga Donald Trump iyo ninka la tartamaya ee Dimuqraadiga, Madaxweyne kuxigeenkii hore Joe Biden, ay sugayaan in saraakiisha doorashooyinku ay soo saaraan tirinta ama natiijada ugu horreysa ee codabixinta tartanka sida weyn loogu loollamay ee loogu jiro ciddii noqon laheyd madaxweynaha Mareykanka afarta sano ee soo socota.

Iyadoo goobaha codbixinta la xiray gobolka ku yaalla bartamaha dhexe ee Indiana iyo gobolka deriska la ah ee Kentucky saacaddu marka ay ahayd 6-da maqribinomo ee waqtiga maxalliga ah, dadka ayaa wali sii waday in ay ka codeeyaan gobollada Bariga iyo dhammaan Galbeedka Mareykanka.

Waxay ka mid ahaayeen tobanaan milyan oo qof oo maanta oo dhan safaf dhaadheer ugu jiray in ay codkooda ka dhiibtaan Maalinta Doorashada.

In ka badan 101 milyan oo qof ayaa toddobaadkyadii la soo dhaafay sii codeeyey, taasi oo qeyb ka ahayd in laga fogaado in dadku ay si fool ka fool ah u kulmaan maalinta Doorashada, xilli ay wali jiraan kiisaska cudurka COVID-19.

Tirinta hore ee codbixinta ayaa diiradda lagu saarayaa labada gobol ee badda Atlantic dhaca - Florida, oo ah gobol uu deegaan ka dhigtay Trump, iyo North Carolina.

Labadan gobol ayuu Trump si dirqi ah ugu guulaystay sanadkii 2016-kii, oo uu ka adkaaday musharraxii Dimuqraadiga Hillary Clinton, laakiin ra’yi aruurinta dadweynaha ayaa muujineysa in Trump iyo Biden ay si aad ah isugu dhow yihiin.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in labada gobol ay lagama maarmaan u yihiin in uu Trump mar kale ku guuleysto madaxtinimada, kana fogaado in uu noqdo madaxweynihii saddexaad ee Mareykan ah ee afartankii sano ee la soo dhaafay looga adkaado tartankiisa dib u doorashada.

Haddii uu Biden ku guuleysto labadan gobol midkood ama labadaba waxa ay si weyn kor ugu qaadi doontaa fursadaha uu ugu guuleysan karo madaxweynenimada ee isku daygiisii saddexaad. Waxa uu lumiyay tartan uu u galay inuu noqdo musharraxa xisbiga Dimuqraadiga sanadihii 1988-kii iyo 2008-kii.

XS
SM
MD
LG