Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kalsooni intee la eg ayaa lagu qabaa ammaanka doorashada Mareykanka?


Dadaallo lagu xaqiijinayo amniga kaabayaasha codbixinta Mareykanka iyo ugaarsiga khataraha ka imaan kara internetka ayaa u muuqda kuwa miradhalay, xilli ay codbixiyaasha guud ahaan dalka ay u dareereen goobaha codbixinta si ay ugu codeeyaan tartanka madaxweynaha iyo tartamo badan oo heer gobol iyo heer deegaan ah.

Saraakiisha amniga doorashada Mareykanka ayaa muujinaya kalsoonida ay qabaan saacado ka dib markii xarumaha codbixinta ee ugu horeeya ay albaabada loo furay subaxnimadii Talaadada maanta ah, islamarkaana ah maalinta ugu dambeysa ee muwaadiniinta ay codkooda dhiiban karaan, xilli ay dad ka badan 100 milyan ay ku codeeyeen boostada ama xarumaha codbixinta xilli hore.

Sarkaal sare oo ka tirsan Hay'adda Nabadgelyada iyo Kaabayaasha Amniga Internetka (CISA), oo warbixin siinayay weriyeyaasha laakin aan magaciisa shaacin ayaa ku tilmaamay hanjabaadaha kaabayaasha doorashooyinka ee dalka in ay "ka wanaagsan yihiin" tii 2016-kii, xilligaas oo burcad dhanka internet-ka oo Ruush ah ay bartilmaameedsadeen nidaamyada doorashooyinka ee dhammaan 50-ka gobo lee Mareykanka.

"Tani waxa ay xilligan umuuqataa maalin kale oo doorasho ah iyo xitaa Talaado kale," ayuu sarkaalka intaas ku daray, isagoo xusay in cillado farsamo ay dhibaatooyin ku keeneen Mareykanka oo dhan, in kastoo in badan oo ka mid ah la xalliyay.

Qaar ka mid ah goobaha codbixinta ee dalka oo dhan ayaa laga soo sheegay safaf dhaadheer, oo ay masuuliyiintu inta badan u sababeeyeen tirada badan ee dadka Mareykanka ah ee doonaya in ay ka codeeyaan doorashada madaxtinimada ee aadka loogu loollamayo.

Laakiin saraakiishu waxay sheegeen in culeyska saaran kaabayaasha doorashooyinka ee dalka ay sidoo kale fududeysay in dad ka badan 100 milyan oo Mareykan ah ay horey ugu sii codeeyeen boostada ama xarumaha codbixinta.

In kasta oo ay jiraan calaamado muujinaya in cadowga Mareykanku ay isku dayi doonaan in ay carqaladeeyaan howlaha doorashada, caddaymaha la hayo ayaa tilmaamaya in isku day kasta oo noocaas ah uu ku guuldareystay in uu saameyn yeesho.

"Ma hayno wax muujinaya in cadow ajnabi ah uu ku guuleystay in uu wax yeeleeyo ama saameyn ku yeesho codadka dhabta ah ee laga dhiibtey doorashadan," sii hayaha Xoghayaha Amniga Gudaha Chad Wolf ayaa sidaas ku yiri warbixin kooban oo uu soo saaray saacado uun ka dib markii goobihii ugu horeeyey ee codbixinta albaabada loo furey.

“Kaabeyaasheena doorashada waa kuwo adkeysi badan, ”ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay "Laakiin waxaan ku jirnaa feejignaan dheeri ah."

Saraakiisha Mareykanka ayaa horey u qiray in ay jireen toddobaadyadii la soo dhaafay ugu yaraan labo isku day oo lagu dhex galayo nidaamyada loo arko in ay muhiim u yihiin doorashooyinka, isku dayadaas oo midkood uu ka yimid Iran iyo kan kalana Ruushka.

Labada xaaladoodba, kuwa wax jabsada ayaa awood u yeeshay in ay xadaan macluumaadka la xidhiidha keydka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyada oo jabsadeyaasha reer Iran ay maareeeyeen in ay ku dhex dhuuntaan xog-uruuriyaha mid ka mid ah gobollada Mareykanka, iyagoo xogtaasi u adeegsaday qayb ka mid ah ololahooda faafinta xogo been-abuur ah.

[[ https://www.voanews.com/2020-usa-votes/us-confirms-iran-hacked-voter-registration-data-1-state ]]

Hase yeeshee, saraakiishu waxa ay sheegeen Talaadada maanta ah in weeraradaas si dhakhso ah loo kala dhantaalay, oo aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin natiijada doorashada.

Weli, saraakiisha amniga doorashada Mareykanka ayaa ku boorinaya dadka Mareykanka in ay feejignaadaan, iyagoo uga digaya dalalka cadawga ku ah Mareykanka sida Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan in laga yaabo in ay sugayaan inta looga dhowaanayo marka la xirayo goobaha codbixinta si ay u qaadaan weeraro aad u daran.

Saraakiisha sirdoonka ayaa si gaar ah uga walaacsan howlaha socda ee saameynta leh, iyagoo ka digaya in Ruushka, Shiinaha iyo Iran gaar ahaan, ay si firfircoon u bartilmaameedsanayeen Mareykanka, iyagoo isku dayaya in ay dab ku sii shidaan kala qeybsanaanta siyaasadeed ee jirta islamarkaana ay faafiyaan kalsooni darro ay sheegayaan in ay ka jirta hannaanka doorashada.

Saraakiisha ayaa sidoo kale ku eedeeyay dhammaan saddexda waddan isku dayga ah in ay saameyn ku yeeshaan natiijada tartanka madaxtinimada Mareykanka, iyagoo isku dayaya in ay sare u qaadaan ama waxyeelleeyaan murashaxiinta Madaxweynaha Donald Trump ama Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden.

[[ https://www.voanews.com/2020-usa-votes/official-us-adversaries-taking-sides-wielding-influence-ahead-election ]]

XS
SM
MD
LG