Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waa kuwee Soomaalida Mareykanka ee u codeynaya Trump?


Saacado keliya ayaa inaga xiga maalinta berri ah, oo ay dhacayso doorashada madaxtinnimada Maraykanka, tan xubnaha Aqalka Senate-ka ee sare iyo Aqalka Hoose ee mudanayaasha.

Labada musharrax ee Madaxweyne Donald Trump iyo Joe Biden ayaa si aad ah isugu dhow, waxaana adag in la saadaaliyo cidda guulaysanaya. Dadka Soomaalida ah ee haysta dhalashada Maraykanka waxay si weyn uga qeybgalayaan doorashadan. Qaarkood way sii codeeyeen, halka kuwo kalena ay maalinta berri ah codadkooda ka dhiiban doonaa gobolka Minnesota iyo gobollada kale ee ay ku nool yihiin.

Gobolka Minnesota waxaa ku nool Soomaali xisbiga Jamhuuriga taageersan oo u codeynaya madaxweyne Donald Truymp. Haddaba waa kuwee Soomaalidan, maxayna ku doorteen Donald Trump?

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

Waa kuwee Soomaalida Mareykanka ee u codeynaya Trump?
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:50 0:00

Dhinaca kalena, Soomaali fara badan ayaa mar kale sannadkan codadkooda siinaya musharraxa xisbiga dimoqraadiga oo sannadkan ah madaxeyne ku-xigeenkii hore Joe Biden, oo ay u arkaan in dantoodu ku jirto.

Haddab Soomaalidu maxay ka helaan ama ay ugu xidhan yihiin xisbiga dimoqraadiga?

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Nuur Xasan Buskhaari.

Waa kuwee Soomaalida Mareykanka ee u codeynaya Biden?
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:53 0:00


XS
SM
MD
LG