Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waa kuma Cumar Faatax oo u tartamaya Senate-ka Minnesota?


Omar Fatah

Maalinta berri ee Talaadada ah, dalkan Maraykanka waxa ka dhacaya doorashada Madaxtinimada iyo goleyaasha wakiilada iyo senate-ka oo xubnaha qaar dib loo dooranayo.

Dhawr qof oo Soomaali ah, oo hore xilal u hayay ama u tartamay, ayaa ka mid ah dadka berri tartamaya ee codka ka doonaya dadka ay metelaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka Marayakanka.

Soomaalida tartamaysa waxaa ka mid ah Cumar Faatax oo ah wiil dhallinyaro ah oo ku dhashay dalkan Maraykanka, kaasi oo u tartamaya Aqalka Senate-ka ee gobolka Minnesota.

Cumar Faatax, wuxuu noqonaya qofkii ugu horreeyay oo ka mid ah carruurta Soomaalida ee Maraykanka ku dhalatay ee u tartamaya xil ama xafiis sharci dejin ah.

Sahra Ciidle ayaa waraysatay Cumar Faatax, warbixintan ayaanay ka diyaarisay.

Waa Kuma Omar Fatah
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:05 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG