Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ololaha doorashada Mareykanka oo meeshii ugu sarreysay gaaray


Iyadoo laba maalin oo qura ah ay ka harsan tahay maalinta Talaadada ee 3-da November oo ay dhaceyso doorashada madaxtinimada Mareykanka, ayay musharraxiinta ku Tartameysa doorashada ay Sabti shalay si aad ah u xoojiyeen ololahooda gobollada Michigan iyo Pennsylvania oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan tartanka doorashada.

Trump ayaa Sabtidii afar isku soo bax ku qabtay magaalooyin ku yaala gobolka Pennsylvania, halkaas oo uu si dirqi ah ugu guuleystey 2016-kii, iyadoo ra’yi aruurinta gobolkaasi ay muujineyso in waxoogaa yar u uku horreeyo Biden.

Madaxweyne Donald Trump oo taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Newtown ee gobolkaasi ayaa cambaareeyay go’aanka ay Maxkamadda Sare ku diiday dacwad ay xisbiga Jamhuuriga ku doonayeen in ay Maxkamadda ku joojiso muddo kordhin saddex maalin ah oo ay guddiga doorashada gobolka Pennsylvania ugu dareen dadka codadkooda dhiibanaya iyaga oo maqan.

Musharraxa xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden ayaa isna Sabtidi ka ololeeyay gobolka muhimka ah ee Michigan. Biden waxaa ololihii ku wehliyay madaxweynihii hore ee Mareykana Barack Obama oo ay markii ugu horreysay si wada jir ah uga wada qeyb-galeen ololaha doorashada tan iyo intii ay dimoqraadiyiinta billaabeen olalaha doorashada ee sannadkaan.

Labaduba waxay booqdeen magaalooyinka Flint iyo Detroit ee gobolkaasi. Biden oo ka hadlayay magaalada Flint, ayaa diiradda saaray sidii Trump uu u maareeyay cudurka safmarka ee covid-19.

"Waan ka guuleysan doonnaa fayraskan waana xakameyn doonnaa tallaabada ugu horreysa ee aan taas ku qabannana waa inaan ka badinno Donald Trump," ayuu yiri Biden.

Obama ayaa isna ku tilmaamay Biden inuu yahay shakhsi uu jecelyahay isla markaana uu rumeysanyahay inuu noqon doono madaxweyne wanaagsan. Obama ayaa maalinta ugu danbeysa ee ololaha doorashada ee Isniinta berrito ah ka ololeyn doona gobollada Florida iyo Georgia.

XS
SM
MD
LG