Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhul-gariir khasaaro gaystay oo ku dhuftay Turkey iyo Greece


Dhulgariir xoog leh ayaa Jimcaha maanta ah ku dhuftay badda Aegean, waxaana laga dareemay dalalka Greece iyo Turkey, halkaas oo dhismayaasha qaar ay ku dumeen gobolka xeebta ku yaal ee Izmir, iyadoo wasiir ka tirsan dowladda uu sheegay in dadka ay ku xayiran yihiin burburka.

Dhul-gariirkan oo cabirkiisu lagu qiyaasay 6.6 laga dareemay labada wadanba sidda ay sheegeen saraakiisha hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya masiibooyinka dabiica ah iyo dadka deegaanku.

Dhul gariirkan ayaa sida la xaqiijiyay waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dumay ilaa 20 cimaaradood.

Warbixin ku saabsan arrintan waxaa magaalada London ka soo diray wariyaha VOA ee qaaradda Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.

Dhul-gariir ruxay dalalka Turkey iyo Greece
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:03 0:00


XS
SM
MD
LG