Isku xirrada

War Deg-Deg ah

France: Muslimiinta oo ka falcelisay weerarkii magaalada Nice


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in weeraro kale oo ay gaystaan kooxaha mayalka adag laga yaabo in ay dalkaasi ka dhacaan.

Hadalka Wasiirka, Gerald Damarnin ayaa yimid maalin uun ka dib markii nin hubeysan uu haweeney ku gowracay laba qof oo kalana ku dilay gudaha kaniisad ku taalla magaalada Nice (Niis). Ninka weerarka gaystay ayay boolisku toogteen isagoo haatan ku jira isbitaalka.

Iyada oo askar badan la dhigay magaalada Nice kadib dilkii saddexda qof ee shalay lagu dilay magaaladaasi ayey muslimiinta ku nool dalka Faransiisku tilmaameen ficilkaas mid arxandaro ah oo qofka ka danbeeyey aanu ku metelin jaaliyad, diin iyo qiyam umadeed toona.

Wararkii ugu danbeeyey iyo sida ay muslimiintu uga fal-celiyeen warbixin ku saabsan waxaa magaalada London inooga soo diray Wariyaha VOA ee Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:53 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG