Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Faransiiska


Booliska Faransiiska ayaa sheegay in nin ku hubeysnaa toorreey uu saddex qof ku dhex dilay kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dhacda koonfur bari ee badda Mediterranean-ka Faransiiska.

Duqa magaalada Nice, Christian Estrosi, oo weerarka ku tilmaamay mid argagixiso ayaa sheegay in haweeneey ka mid aheyd saddexda qof ee la filay la helay iyada oo gowracan.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay in weerarka uu ka dhacay meel u dhaw kaniisadda Notre Dame ee magaalada.

Ninka weerarka geystay oo aanan wali la ogaan heybtiisa ayaa la dhigay isbitaal, kaddib marki ay dhaawaceen ciidamo boolis ah oo kadibna gacanta ku dhigay.

Weerarkaan ayaa imanaya wax ka yar laba todobaad, kaddib marki nin ku hubeysnaa toorreey uu meel u dhow magaalada Paris ku gowracay macallin maadada taariikhda ka dhigi jiray dugsi dhexe.

Waa weerarki saddexaad oo dad lagu dilo oo ka dhaca Faransiiska muddo laba bilood gudahood ah.

XS
SM
MD
LG