Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo wacad ku maray tallaabo ka dhan Charlie Hebdo


Recep Tayyip Erdogan
Recep Tayyip Erdogan

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa muujiyey sida uu uga careysan yahay sawir gacmeed “laga yaq-yaqsiyoodo” oo uu ka sameeyey wargeyska Faransiiska ee Charlie Hebdo.

Sawir gacmeedkan aflagaadada ah ayaa muujinaya qof loola jeedo Erdogan oo kursi ku fadhiya isaga oo xiran nigis, gacantana ku haysta koob qamri ah, halka uu marada ka qaadayo haween xijaaban.

Xafiiska Erdogan ayaa wacad ku maray inuu qaadi doono “tallaabo sharci ah iyo mid diblomaasiyeed,” halka Taleefishinka NTV ee Turkiga uu sheegay in Ankara ay u yeertay diblomaasiga labaad ee ugu sarreeya ee France ka jooga dalkeeda, maadaama safiirka uu ka maqan yahay Ankara oo looga yeeray Paris.

Sawir gacmeedka Charlie Hebdo ayaa yimid maalmo kadib markii Erdogan uu ku baaqay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska, kadib markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu u gefay diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed.

Macron ayaa difaacay xuquuqda warbaahinta kadib markii Charlie Hebdo ay daabaceen sawiro gacmeedyo loola jeedo Nebiga NNKH, taasi oo dunida Islaamka ka carreysiisay.

Erdogan ayaa sheegay inuusan arkin sawir gacmeedka ay ka sameeyeen Charlie Hebdo, sababtoo ah “ma uusan dooneyn inuu qiimo u yeelo wargeys aan anshax lahayn.”

AFP

XS
SM
MD
LG