Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump iyo Biden oo ku jira maalmihi ugu danbeeyay ee ololaha doorashada


Iyadoo hal todobaad oo kaliya uu ka haray maalinta ay dhici doonto doorashada madaxtinimada Mareykanka, ayay madaxweyne Trump iyo oo ka socda xisbiga Jamhuuriga iyo musharraxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden, ay Talaadadi ka ololeeyeen gobollo ka mid ah kuwa go’aanka ka gaara doorasho madaxtinimada.

Joe Biden madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka, ayaa ololihiisa doorashada Talaadadi xoogga ku saaray gobolka koofureed ee Georgia, oo tan iyo sannadki 1992-ki aanu madaxweyne ka socda xibiga dimoqraadiga ku guuleysan doorashada.

Biden ayaa u ballan qaaday dadka reer Georgia inuu noqon doono madaxweynaha dhamaan dadka Mareykanka isaga oo aanan eegi doonin siyaasadda xisbiyada.

Madaxweyne Trump ayaa isna ka ololeeyay saddedx gobol oo laba ka mid ahi ku xoogganyihiin dimoqraadiyiinta kuwaasoo kala ah Michigan, Wisconsin iyo Nebraska. Gobolladaasi ayuu kaga guuleystay sannadki 2016-kii Hillary Clinton oo ka socotay Dimoqraadiyiinta.

Khudbad uu ka jeediyay magaalada Lansing ee caasimadda gobolka Mishigan, ayuu Trump ku sheegay in Biden uu taageeray heshiiskii Ganasiga Xorta ah ee Waqooyiga America ee Nafta ee uu Trump ka saaray Mareykanka iyo soo galasti uu Shiinaha soo galay Ururka Ganacsiga Aduunka, labadaasi qodob oo uu Trump sheegay in ay dhaawacday wax soo saarka baabuurta iyo sancooyinka kale ee gobolka Mishigan.

Doorashada madaxtinimada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 3-da bisha foodda nagu soo heysa ee November.

XS
SM
MD
LG