Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo ku baaqay tallaabo lagu ciqaabayo Faransiiska


Madaxweyanaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo shacabka kala hadlay taleefishinka dowladda, ayaa ugu baaqay in aanay iibsan badeecadaha lagu soo sameeyey Faransiiska ee yaalla Turkiga.

Arrintan ayaa qayb ka ah isa seeg in mudo ah ka dhex socdey labada madaxweyne ee Faransiiska iyo Turkiga oo ay beryahanba warbaahinta isu marinayey eedeymo.

Toddoaabdkan ayuu Erdogan laba jeer waxa uu goobo fagaare oo uu ka hadlayey ku sheegay in madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron uu u baahan yahay in la baaro caafimaadka maskaxdiisa.

Macron ayaa Arbacadii cambaareeyey wax uu ugu yeeray “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.

Wariyaha VOA-da ee qaarada Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa warbixintan London kasoo direy.

Erdogan oo ku baaqay tallaabo lagu ciqaabayo Faransiiska
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:16 0:00


XS
SM
MD
LG