Isku xirrada

War Deg-Deg ah

50 dal oo saxiixay heshiis lagu mamnuucayo Nukliyeerka


Heshiis caalami ah oo lagu mamnuucayo hubka nukliyeerka ayaa waxaa ansixiyay 50 dal oo xubin ka ah Qaramada Midoobay.

Dalka Honduras ay noqday dalkii 50-aad ee saxiixa heshiiska. Dukumiintigan taariikhiga ah ayaa dhaqan galaya 90 maalmood gudahood oo ku beegan 22-ka January.

Bayaan uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayuu ku ammaanay dadaallada 50-ka wadan iyo u ololeeyayaasha bulshada rayidka ah ee la dagaalanka hubka wax gumaada ee nukliyeerka "shaqada wanaagsan" ee ay qabteen.

Heshiiska ayaa ah gunaanadka dhaqdhaqaaq caalami ah "si loogu soo jeediyo dareenka cawaaqib xumada bani'aadamnimo ee ka dhalan karta adeegsiga hubka nukliyeerka," ayuu Guterres ku yiri war-murtiyeedka uu soo saaray af-hayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Waxa uu intaas ku daray "waa mahadnaq loo jeedinayo dadkii ka badbaaday qaraxyadii iyo tijaabooyinka nuclear-ka, oo qaarkood ay haatan u doodaan heshiiskan.”

Dhaqdhaqaaqa dadaalladan ayaa waxaa si adag uga horyimid Mareykanka iyo quwadaha waaweyn ee nukliyeerka.

Heshiiska "wuxuu u taagan yahay ballanqaad macno leh oo ku aaddan ciribtirka guud ee hubka nukliyeerka, oo weli ah mudnaanta koowaad ee dadaallada hub ka dhigista ee Qaramada Midoobay," Dujarric ayaa sidaasi ka soo xigtay Guterres.

Madaxweynaha Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas ayaa bogaadiyay heshiiska, wuxuuna ku yiri bayaan uu soo saaray "maanta waa guul u soo hoyatay aadanaha, iyo balanqaadka mustaqbal nabdoon."

Tan iyo sanadguuradii 75-aad ee weeraradii nukliyeerka ee Nagasaki iyo Hiroshima ee bishii August, dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Nigeria, Malaysia, Ireland, Malta iyo Tuvalu ayaa ansixiyay heshiiskan caalamiga ah.

XS
SM
MD
LG