Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay isku hayaan Turkiga iyo Faransiiska?


Erdogan Macron
Erdogan Macron

Xiriirka siyaasadeed ee Turkiga iyo Fransiiska ayaa sii xumaadey ka dib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku tilmaamey madaxweynaha Faransiiska mid u baahan in maskaxdiisa la baaro.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa ka danbeeyey ka dib markii uu Madaxweynaha Fransiiska Emmanuel Macron uu u gefay diinta Islaamka.

Macron ayaa Arbacadii cambaareeyey wax uu ugu yeeray “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.

Hadalkaas kasoo yeeray Macron ayaa sidoo kale hogaamiyey in meelo badan oo dunida Islaamka ah laga qaadaco badeecadaha iyo alaabaha uu Faransiiska soo saaro.

Turkiga iyo Faransiiska ayaa sidoo kale isku haya arrimo kale oo la xiriira siyaasadda gobolka.

Warbixin arrintan ku saabsan waxaa inoo heysa Falastiin Axmed Iimaan.

Maxay isku hayaan Turkiga iyo Faransiiska?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:31 0:00
XS
SM
MD
LG