Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuutiyiinta 'oo weeraray' garoon ku yaalla Sacuudiga


Sarkaal sare oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in Sabtidii ay duqeymo ku bartilmaameedsadeen garoonnada diyaaradaha ee gobolka Jizan, kan magaalada Abha iyo sadhiga millatariga ee Khamis Mushait ee gobolka Casiir ee koofurgalbeed dalka bortooyada Sacuudi Carabiya.

Saacadihi hore ee Sabtidi iyo Jimcihi ka horreeyayba, Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa laba warbixin oo ay soo saareen ku sheegay, in nidaamka difaaca Sacuudiga uu ka hortagay isla markaana burburiyeen saddex diyaaradood oo kuwa drooniska ah oo xambaarasanaa walxaha qarxa, kuwaasi oo ay xuutiyiinta ku soo ganeen koofurta Sacuudiga.

Goor hore Axadda maanta ahna, Isbaheysiga ayaa sheegay in ay ka hortageen gantaal kale oo lala damacsanaa in lagu duqeeyo koofurta Sacuudiga.

Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta taageerada ka hela Iran ka waday dalka Yemen tan iyo bishii March ee sannadki 2015-kii.

XS
SM
MD
LG