Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caro ka dhalatay hadal uu Macron ugu gefay Islaamka


Dunida Islaamka ayaa waxaa sare uga sii kacaya baaqyo ku aadan in la qaadaco badeecadaha Faransiiska kadib markii madaxweyne Emmanuel Macron uu cambaareeyey “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH.

Hadallada uu Macron jeediyey Arbacadii ayaa jawaab u ahaa gowraca macallin Faransiis ah Samuel Paty, oo lagu dilay iskuul ku yaalla duleedka Paris kadib markii uu ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.

Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah lagu muujiyo Nebiga NNKH.

Sabtidii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jordan ayaa cambaareysay “sii socoshada daabacaadda sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH ayada oo lagu marmarsiyoonayo xoriadda hadalka,” iyo isku day kasta “oo faquuq iyo marin habaabin ah oo Islaamka la xiriirinaya argagixisada.”

Wasaaradda si toos ah uma cambaareyn Macron, hase yeeshee xisbiga Dhaqaaq Islaamiga ah ee Jordan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Faransiiska inuu cudurdaar ka bixiyo hadalladiisa, waxaana uu ku booriyey shacabka Jordan inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska.

Qaadacaadda noocaas ah ayaa goor horeba ka socotay dalalka Kuwait iyo Qatar.

Dukaamada ku yaalla Kuwait ayaa la arkay ayaga laga saarayo dhammaan badeecadaha lagu soo sameeyey Faransiiska.

Sidoo kale magaalada Doha, shaqaalaha dukaamada ayaa tuurayey dhammaan alaabaha ka yimid dalka Faransiiska.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan in “maskaxdiida la baaro.”

“Muxuu qof ka dhihi karaa madaxweyne dal oo malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan sidan ula dhaqmaya. Marka hore, maskaxdaada soo baar,” ayuu yiri Erdogan.

Macron ayaa sidoo kale ka careysiiyey dunida Islaamka horaantii bishan kadib markii uu yiri “Islaamka waa diin xasarad ay ka taagan tahay dunida oo idil.”

Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf, oo ah xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijlka ayaa hadallada Macron ku qeexay “kuwa mas’uuliyad darro ah, oo sare u qaadi doona isnaceyb dhaqan.”

Sidoo kale Jaamacadda Qatar ayaa sheegtay “in kadib xadgudub ula kac ah oo lagu sameeyey diinta Islaamka iyo astaamahaeeda” ay hakin doonto Toddobaadka Dhaqanka Faransiiska ee lagu qaban lahaa Jaamacadda.

AFP

XS
SM
MD
LG