Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo ololihiisa doorashada ku weeraray Joe Biden


Trump Biden Last Debate
Trump Biden Last Debate

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii isu soo baxyo ballaaran ku qabtay saddaxda gobolka ee North Carolina, Ohio iyo Wisconsin, iyadoo ninka la tartamaya oo ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareaykanka Joe Biden uu diiradda saarayo gobolka Pennsylvania, halkaas oo ku qabtay laba isu soo bax.

Trump ayaa ku weeraray xisbiga Demoqoraadiga iyo saxaafadda, sii wadidda diiradda ay ku hayaan Coronavirus, isagoo ku eedeeyay inay jihada ka leexinayaan wax uu ugu yeeray fadeexadda Biden iyo wiilkiisa Hunter ay ku lug leeyihiin.

“Waxay isku dayayaan inay qariyaan dhamaan musuqmaasuqa qoyska Biden,” ayuu yiri Madaxweyne Trump, isagu joogay isu soo bixiiisii labaad ee Ohio uu ku qabtay

Markii wariyayaasha ay weydiiyeen sare u kaca kiisaska coronavirus ayaa Trump oo ku sugnaa garoonka diyuuradaha ee magaalada Columbus uu ku jawaabay , “idinka ayaa adeegsanaya ereyga kiis sababtoo ah waxaad isku dayaysaan inaad dadka ku cabsi galisaan. Ha cabsi galinina dadka. Ha cabsi galinina dadka..”

Trump ayaa munaasabdii kowaad ee Lumberton North Carolina kaga hadlay baaritaanka COVID19, maalin kadib markii Mareykanka laga diiwaan galiyay tiradii ugu badneyd ee dad ah oo xanuunka hal maalin uu soo rito.

Madaxweynaha ayaa Ohio ka sheegay in coronavirus uu dhamaanayo, laakiin saxaafadda ay ka hadlayso oo kaliya kiisaska, iyagoo aan soo hadal qaadin hoos u dhaca dhimashada.

Hadalka Madaxweyne Trump uu ku weeraray ninka ay tartamayaan ee Biden, xisbiga Demoqoraadiga iyo saxaafadda ayaa imaanaya iyadoo doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ay ka harsan tahay wax ka yar laba todobaad.

XS
SM
MD
LG