Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo xaqiijiyay in Turkigu tijaabiyay nidaamka difaaca S-400


Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Turkiga ayaa umuuqata mid sii kordheysa, ka dib erayo kulul oo ay isweydaarsadeen labada dal ee xulufada ah, hadalladaasi oo ku aadan iibsiga Ankara ee nidaamka difaaca hawada ee S-400 ee uu Ruushku sanceeyo.

Hadalladii ugu adkaa ayaa Jmicihii soo yeeray ka dib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu xaqiijiyay warar hore oo sheegayay in Turkigu uu bilaabay in uu tijaabiyo nidaamka difaaca cirka ee Ruushka, isaga oo dhinac iska dhigaya walaaca Mareykanka.

“(Tijaabooyinka) waa la qaaday, waana la sii wadaa,” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta. “Mawqifka Mareykanka gabi ahaan nama khuseeyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Haddii aynaan tijaabin doonin awoodahan aan haysanno, markaa maxaan sameyneynaa?” ayuu yiri.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa saacado ka dib hadalka Erdogan waxa ay bixisay jawaab erayo adag lagu qoray, iyadoo ku dhowaatay in ay ku eedeyso Turkiga inuu khiyaamayo xulafada.

"Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka waxay ku cambaareyneysaa ereyada ugu adag ee suurtogalka ah tijaabada uu Turkigu sameeyey 16-kii October,” ayuu yiri Afhayeenka Pentagon-ka, Jonathan Rath Hoffman, isagoo ka digaya in tijaabada “ay khatar gelineyso cawaaqib xumada xiriirkeena amni.”

“Waxaan si adag u caddeynay mowqifkeenna,” ayuu hadalkiisa raaciyay Hoffman. "Howlgalinta nidaamka difaaca S-400 ma waafaqsana ballanqaadyada Turkiga ee xulafanimada Mareykanka iyo NATO," ayuu yiri.

Warar soo baxayay oo sheegayay in Turkiga uu bilaabay tijaabinta nidaamka difaaca cirka ee Ruushka sameeyay ayaa markii ugu horeysay soo ifbaxay toddoobaadkii hore, taasi oo keentay cambaareyn isdaba jog ah oo ka timid Pentagon-ka, Wasaarada Arimaha Dibada ee Mareykanka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Mareykanka.

XS
SM
MD
LG