Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqeyn: Dooddii Trump iyo Biden


Musharaxiinta ku tartami doonta doorashada madaxtinimada Mareykanka ee loo balansanyahay in ay dhacdo 3-da bisha November ee sannadkaan, ee kala ah madaxweynaha hadda talada haya Donald Trump iyo madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka Joe Biden, ayaa xalay dooddoodii ugu danbeysay ku yeeshay magaalada Nashville ee gobolka Tennessee.

Dooddi xalay oo dhacday xilli ay doorashada madaxtinimada ka harsantahay 12 maalin oo kaliyah, ayay Trump iyo Biden aad ugu doodeen mawaadiic ay ka mid ahaayeen dhaqaalaha, isirka, isbaddalka cimmillada, ceymiska caafimaadka iyo socdaalka, hase yeeshee waxaa aad doodda u hareeyay uguna weynaa, mowduuca coronavirus.

Xanuunkan oo Mareykanka ka dilay in ka badan 221 kun oo qof, ayuu madaxweyne Trump ku adkeystayin maamulkiisa uu si wanaagsan u maareynayo dagaalka ka dhanka ah cudurka Covid-19, muddo todobaadyo ah gudahoodna ay ku soo saari doonaan tallaalka xanuunkan.

Laakin Biden ayaa aad ugu weeraray Trump in maamulkiisa uu mas’uul ka yahay dhimashada tirada badan ee uu xanuunkani ku sababay Mareykanka. Isaga oo yiri “Qof walba oo mas’uul ka ah dhimashadaas faraha badan, waa inuusan sii ahaan madaxweynaha waddanka Mareykanka,”

Doodda oo faah-faahsan waxaan idiin soo gudbin doonnaa saacadaha soo socda.

Dhageyso Doodda Labada Tartame
please wait

No media source currently available

0:00 0:27:00 0:00


XS
SM
MD
LG