Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iraq: Xarumaha Xisbiga Kurdyiinta ee KDP oo la gubay


Taageerayaasha xoogagga ay taageerto Iran ee Hashd al-Shaabi ee Iraq ayaa dab qabadsiiyay Sabtidii, xafiisyada xisbiga Dimoqoraadiga Kurdiyiinta ee magaalada Baghdad.

Banaanbaxayaasha caasimadda Iraq ayaa ka carooday hadal horraanta bishan kasoo yeeray sarkaal ka tirsan xisbiga KDP ee Hoshyar Zebari ahaana wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, kaas oo yiri "owladda waa in maleeshiyada kooxda Hashd al-Shaabi ay ka nadiifisaa aagga cagaaran ee Baghdad."

Wuxuu tilmaamay in howl muhiima ay tahay, in kooxaasi magaalada laga saaro, maadaama meel sharciga ka baxsan ay ku shaqeynayeen sida uu hadalka u dhigay.

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraysaknka ayaa war qoraal ah kasoo saartay,weerarkii kooxda caanka ah ee Hashd al-Shaabi, ay ku qaadday xafiisyada xisbiga KDP.

Morgan Ortagus oo ah, afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in awoodda xorriyad u hadalka iyo doodaha ay udub dhexaad u yihiin Dimoqoraadiyadda, xisbiyada siyaasadeedna ay tahay inay awood u yeeshaan inay qabtaan doodo adag iyagoo aan ka baqeynin maleeshiyaadka iyo dambiilayaasha.

Afhayeenka ayaa sheegay in dhamaan xisbiyada ay ku boorrinayaan inay u dhaqmaan si mas’uuliyad ay ku dheehantahay inta lagu jiro xaaladdadan adag, xilli Iraq ay horayba ula daalaa dhacaysay masiibada ka dhalatay qalqalka dhaqaale iyo halista sii socota ee kaga imaanaysa kooxda ISIS.

XS
SM
MD
LG