Isku xirrada

War Deg-Deg ah

New Zealand: Ardern oo si weyn ugu guuleysatay doorashadii dalkaasi


Ra’isulwasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa sii heyn doonta talada dalka, ka dib markii ay Sabtida maanta ah natiijo taariikhi ah ka soo hoysay doorashadii guud ee maanta ka qabsoontay dalkaasi.

Iyadoo la tiriyay inta badan codadka la dhiibtay, ayuu xisbiga Liberal Labour Party ee ra’isulwasaare Ardern helay 49% codadkii dadka codeeyey, halka xisbiga sida aadka ah ula tartama ee muxaafidka ahi uu helay 27% codadkii la dhiibtay.

Codbixiyaasha ayaa ku doortay kaalintii ay ka qaadatay xakameynta cudurka COVID-19 iyo sidii ay xukumaddeedu uga jawaabtay weerarkii Muslimiinta loogu geystay masaajidkii magaalada Chrischurch ee lagu laayey 51 qof tiro kalena lagu dhaawacay.

Khudbad ay boqollaal ka mid ah taageerayaasheeda kula hadashay magaalada Auckland, ayay Ardern ku sheegtay in xisbigeeda uu helay taageeradii ugu badnayd muddo 50 sano oo uu xisbi ka kasbado shacabka New Zealand.

Wariyaha VOA uga soo warrama Australia Ibrahim Cumar Baafo ayaa warbixintan inoo soo diray.

Jacinda Arden oo ku guuleysatay doorashadii New Zealand
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:28 0:00


XS
SM
MD
LG