Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dalka Thailand oo xaalad deg deg ah lagu soo rogay


Pro-democracy protesters march during a street
Pro-democracy protesters march during a street

Dowladda Thailand ayaa Khamiista maanta ah mamnuucday dibadbaxyada iyo faafinta hadallada xasaasiga ah, xilli ay sii kordhayaan dibadbaxyo lagu bartilmaameedsanayo boqorka Thailand, boqor Maha Vajiralongkorn iyo ra’isul wasaare Prayuth Chan’ocha.

Amar deg deg ah oo ay dowladda soo rogtay ayaa bartilmaameedsanaya dibadbaxyaasha si nabadda ah u bannaanbaxaya, kuwaasoo intooda badani ay hadda ku suganyihiin bannaanka xafiiska ra’isul wasaaraha.

Amarka ayaa dhigaya in aysan hal meel isugu iman karin wax ka badan shan qof.

Bannaanbaxyada ka socdo Tayland ayaa lagu dalbanayaa in xukuumadda ay dhacdo iyo in wax kaga badalo dastuurka.

XS
SM
MD
LG