Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Azerbaijan oo weerar culus ka fulisay gudaha dalka Armenia


Azerbaijan ayaa maanta sheegtay inay burburisay xarumo ku yaalla dalka Armenia oo laga soo rido gantaallo lagu weeraro goobaha dadweynaha ee dalka Azerbaijan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Armenia ayaa qiratay in xarumo ku yaalla gudaha dalkaas la beegsaday, balse waxay beenisay in ciidamadeeda ay weerarayeen Azerbaijan, ayada oo iminka sheegtay inay qiil u haysato inay beegsato aagagga militari ee gudaha dalka Azerbaijan.

Waxay u muuqataa in tani ay tahay markii ugu horreysay ee Azerbaijan ay duqeyso gudaha dalka Armenia tan iyo markii dagaalka culus uu 27-kii September ka dhex-qarxay ciidamada Azerbaijan iyo gooni u goosatay gobolka Nogorno-Karabakh ee Armenia ay taageerto.

Wasaaradda Gaashaandhigga Azerbaijan ayaa sheegtay inay burburisay gantaallo ballistic ah iyo hab gantaallo oo kale oo ku yaalla Armenia kadib weeraro kala duwan oo ay xalay ku qaaday.

Afhayeenka wasaaradda difaaca Armenia Shushanb Stepanyan ayaa xaqiijisay weerarka.

“Weerarka waxaa lagu fuliyey malo oo kaliya iyo in goobaha la weeraray ay ahaayeen kuwa laga weeraray goobo dadweyne oo ku yaalla Azerbaijan,” ayey tiri.

Weeraradii ugu dambeeyey ayaa imanaya ayada oo Sabtidii uu burburay heshiis xabad-joojin oo labada dhinac ay ku kala saxiixdeen Moscow, heshiiskaas oo jiray kaliya daqiiqado kooban.

AFP

XS
SM
MD
LG