Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo kasoo horjeesatay codsi ay Qatar u dirtay Mareykanka


Eli Cohen
Eli Cohen

Israel waa ay kasoo horjeesan doonta in Mareykanka uu dalka Qatar ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35, waxaa sidaas sheegay Wasiirka Sirdoonka Israel.

Eli Cohen, oo la hadlay Raadiyaha Ciidamada Israel, ayaa sababta diidmadaas ku sheegay in Israel ay u baahan tahay inay joogteyso inay noqoto dalka ugu awood militari sarreeya gobolka.

Waxa uu hadalkan sheegay mar waxa laga weydiiyey warbixin ay qortay wakaaladda wararka Reuters oo la xiriirtay in Qatar ay codsi rasmi ah u dirtay Washington, kaasi oo ay ku dooneyso in looga iibiyo diyaaradaha F-35.

“Amnigeena iyo inaan sii ahaanno dalka ugu militariga sarreeya gobolka waa waxyaabo aad muhiim noogu ah. Gobolkeena weli ma uusan noqon sida Switzerland oo kale,” ayuu yiri Eli Cohen.

Codsiga Qatar ayaa ka dambeeyey heshiis ay bishii August gaareen Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo Washington ay ku ogolaatay inay ka fakarto in diyaaradaha F-35 laga iibiyo Imaaraadka, waxayna qeyb ka aheyd heshiiska Abu Dhabi ay la gashay Israel, ee ay kula yeelatay xiriir diblomaasi.

Israel ayaa sidoo kale horey uga soo horjeesatay in diyaaradahan laga iibiyo Imaaraadka Carabta.

REUTERS

XS
SM
MD
LG