Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey oo qaadday tallaabo ka careysiisay Greece


Turkey ayaa sheegtay inay maanta dib u diri doonto markabka gaaska ka sahmiya badda Meditareeniyaanka ee ee xudunta u ah muranka kala dhaxeeya Greece, go’aankaas oo Athens ay si carro leh ugu qeexday inuu “halis toos ah ku yahay nabadda.”

Muranka ku saabsan gaas sahminta ee bariga badda Meditareeniyaanka ayaa horseeday in labada dal ay bishii August sameeyaan laba dhoolatus militari oo iska soo horjeeda.

Greece ayaa sheegata xuquuqda biyaha ku hareereysan jaziiraddeeda Kastellorizo, hase yeeshee Turkey ayaa sheegtay in xeebteeda dheer ay ka dhigeyso in dhul biyeedkaas uu yahay mid ay maraakiibteeda sharciyad u leeyihiin inay gaas ka sahmiyaan.

Ciidamada badda Turkiga ayaa maanta sheegay in markabka Oruc Reis uu dhaq-dhaqaaqyo ka sameyn doono gobolka, oo ay ku jirto koonfurta jaziiradda Kastellorizo illaa 22-ka October.

Markabkan ayaa waxaa howlgalka sahminta ku wehlin doona laba markab oo kale oo lagu kala magacaabo Ataman iyo Cengiz Han.

Wasiirka Tamarta Turkiga Fatih Donmez ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri “Turkey waxay sii wadi doontaa inay sahmiso, qoddo islamarkaana ilaaliso xuquuqdeena.”

“Haddii gaas dabiici ah uu halkaas ku jiro, dhab ahaantii waan ogaan doonnaa.”

Hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Greece ayaa cambaareysay tallaabadan ku sheegtay “mid halis toos ah ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka,” waxayna ku eedeysay Turkey inay tahay mid aan la isku halleyn karin.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Ankara aysan “daacad ka ahayn inay dooneyso wada-hadallo.”

AFP

XS
SM
MD
LG