Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa lagu macneeyey hubka ay soo bandhigtay Korea-da Waqooyi?


Gantaal cusub oo aad u weyn oo ay Kuuriyada Woqooyi ku soo bandhigtay dhoolatus milatari ayaa ah hanjabaad cad oo ka dhan ah difaaca Mareykanka iyo caqabad muuqata ee madaxweynaha xiga ee Mareykanka, sidaasi waxaa sheegay falanqeeyayaasha oo ka digay in Pyongyang ay tijaabin karto hubkan sanadka dambe.

Hogaamiye Kim Jong Un ayaa daawaday gantaalaha qaaradaha isaga gudba (ICBM) oo ku wareegaya Fagaaraha Kim Il Sung square ee magaalada Pyongyang oo dhoolatuskan aan horay loo arag lagu qabtay habeenkii Sabtida.

Falanqeeyayaasha ayaa isku raacay in uu ahaa gantaalkii ugu weynaa ee guurguura kuna shaqeeya dareere, ayna u badan tahay in loogu talagalay in uu xambaaro madaxyo badan oo hubka wax gumaada ah.

Jeffrey Lewis oo ka tirsan machadka Middlebury ee Daraasaadka Caalamiga ayaa sheegay in "si cad lagaga dan leeyahay in lagu muquuniyo nidaamka difaaca gantaalaha Mareykanka ee Alaska."

Gantaalka ayaa lagu qiyaasay 24 mitir oo dherer ah iyo 2.5 mitir ballaca ah iyadoo uu khabiir Markus Schiller uu sheegay in uu awood u leeyahay in uu qaado 100 tan oo shidaal ah taasi oo qaadaneysa saacado badan in lagu raro.

AFP

XS
SM
MD
LG