Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Azerbaijan iyo Armenia


Azerbaijan Armenia Conflict
Azerbaijan Armenia Conflict

Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa sii socday maanta oo Khamiis ah, ka hor wada-hadallo la filayo in Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska ay ka yeeshaan sidii xabad-joojin loo gaari lahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Azerbaijan Jeyhun Bayramov ayaa magaalada Geneva kula kulmi doona safiirada Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska, halka wasiirka arrimaha dibedda Armenia Zohrab Mnatsakanyan la filayo inuu saraakiil ka socota saddexdan dal kula kulmo Moscow.

Wada-hadalladan ayaa billow u ah dadaal xooggan oo saddexdan quwadood ee caalamka ay ku doonayaan in lagu joojiyo dagaalka.

Saacado kahor inta aysan billaabin wada-hadallada, ayaa Azerbaijan waxay sheegtay in magaalada Ganja ee bartamaha dalkaas ay madaafiic ku garaaceen ciidamada Armenia.

Waxay intaas ku dartay in sidoo kale qof shacab ah lagu dilay gobolka Goranboy iyo xaafado iyo magaalooyin kale oo ay duqeeyeen ciidamada Armenia.

Mas’uuliyiinta Azerbaijan ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof oo shacab lagu dilay 143 kalena lagu dhaawacay dagaalka tan iyo markii uu billowday 27-kii September.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh ayaa sheegay in la duqeeyey magaalada ugu weyn maamulkooda ee Stepanakert, halkaasi oo lagu dilay 30 askari, taasi oo tirada askarta illaa hadda uga dhimataya dagaalka ka dhigeysa 350.

Waxay intaas ku dareen in sidoo kale 19 qof oo shacab ah ay dhinteen.
Kadibn wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka, Armenia ayaa sheegtay inay xilka ka qaaday madaxii hay’adda sirdoonka qaranka oo lagu eryey wareegto madaxweyne. Ma sheegin wax sabab ah.

XS
SM
MD
LG