Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Mareykanka oo is-karantiilay


Gen. Mark Milley
Gen. Mark Milley

Taliska ugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in ay si iskood ah isu karantiileen, kaddib markii sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha laga helay coronavirus.

War kasoo baxay waaxda difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in taliyaasha is kaarantiilay ay ka mid yihiin taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Gen. Mark Milley, iyo ku xigeenkiisa Gen. John Hyten.

Saraakiishan iyo qaar kale oo ka mid ah taliska ayaa dhawaan xarunta Waaxda Difaaca ee Pentagon-ka kula kulmay taliye ku xigeenka ciidamada llaalada xeebaha Mareykanka Adm. Charles W. Ray, kaasoo habeenki ay Talaadada soo galeysay xanuunka laga helay.

Afhayeen u hadlay Pentagon oo lagu magacaabo Jonathan Hoffman ayaa sheegay in in taliyaasha ciidanka qalabka sida ee Mareykanka laga qaaday Talaadadi shalay tijaabada caafimaadka balse laga waayay xanuunka coronavirus.

Dhanka kale Stephen Miller oo ka mid ah lataliyaasha saree e Aqalka Cad ayaa xalay shaaciyay inuu qaaday xanuunka coronavirus, taasoo ka dhigeysa qofki ugu danbeeyay oo ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad oo laga sheego coronavirus.

XS
SM
MD
LG