Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Trump oo raba inuu ka qeybgalo doodda labaad


Maalin kaddib marki uu kasoo baxay Isbitaal milatari, kaddib marki uu qaaday cudurka Covid-19, ayuu madaxweyne Donald Trump Talaadadi sheegay inuu qorsheynayo ka qeybgalka doodda labaad ee uu la yeelanayo Joe Biden.

Qoraal uu maqribnimadi xalay soo dhigay bartiisa Twitter ayuu madaxweyne Trump ku sheegay, inuu dhowrayo ka qeybgalka doodda 15-ka bishaan ka dhici doona magaalada Miami ee gobolka Florida, taasoo uu ku tilmaamay in ay noqdon doonto mid weyn.

Trump ayaa Khamiisti hore ku dhawaaqay inuu haleelay cudursidaha coronavirus ee keena xanuunka Covid-19, Jimcihii ayaa loo qaaday isbitaalka Walter Reed ee duleedka magaaladan Washington, hase yeeshee Isniintii ayuu kaso baxay kaddib marki ay dhaqaatiirtiisa sheegeen inuu wanaagsanyahay.

Ururka soo qaban qaabiya doodaha madaxtinimada Mareykanka oo ah hey’ad madax bannaan ayaanan wali ka jawaabin hadalka kasoo baxay madaxweynaha, maadaama Hey’adda Dowladda Mareykanka ugu qaabilsan ka hortagga iyo xakameynta cudurrada ee CDC horay u sheegtay, in qofki qaada xunuunka uusan bulshada soo dhexgali Karin muddo u dhaxeysa 10 illaa 20 maalmood.

Dhanka kale, musharraxa xisbiga dimoqraadiga ee doorashada madaxtinimada, Joe Biden ayaa xalay wariyaasha u sheegay, in aanan la qaban doodda qorsheysan in ay dhexmarto isaga iyo Trump, haddii madaxweynaha uu wali xilligaasi yahay mid qaba xanuunka covid-19.

XS
SM
MD
LG