Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Trump oo ku noqday Aqalka Cad


Virus Outbreak Trump
Virus Outbreak Trump

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dib ugu noqday Aqalka Cad habeenkii Isniinta, ka dib markii markii uu ka soo baxay cisbitaalka militariga Walter Reed ee ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland.

Madaxweynaha ayaa halkaas lagaga daweynayey xanuunka COVID-19 oo dhawaan laga helay.

Imaanshihiisa Aqalka Cad ayaa durbaba dhalisay dood cusub, ka dib markii uu fariin dhinaca twitter-ka ah oo uu soo diray ku qoray in dadku aanay virus-ka ka cabsan, kaas oo dilay dad ka badan 210 ku qof oo Maraykan ah.

Waxa intaas dheeraa in uu Aqalka Cad galay isaga oo aan xirneyn waji daboolkii ama maaskarihii.

Ka dib markii dayuuraddii wadday ee Marine One ay ku soo degtay Aqalka Cad, Trump waxa uu si taxadar leh u fuulay sallaanka dhanka bari ee Aqalka Cad, ka dibna iska bixiyey daboolkii wajiga, isaga oo halkaas shaaca ka sheegay “Xaalad wanaagsan baan dareemayaa.”

XS
SM
MD
LG