Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo ay booqasho uga billaabatay Asmara


Farmaajo Afwerki
Farmaajo Afwerki

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegau in labada Madaxweyne ay ka wadahadlayaan “hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.”

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iskaashi iyo dhaqaale ee dalalka gobolka, taas oo xoojineysa in dalkeennu uu door muhiim ah ka qaato geeddi socodka horumarineed ee ay hiigsanayaan dalalka gobolku,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in madaxaweyne Afwerki uu “tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal.”

Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa aad usoo wanaagsanaaday wixii ka dambeeyey markii ay heshiiyeen Eritrea iyo Ethiopia, ayada oo saddexda dal ay sameysteen iskaashi looga gol leeyahay isku xirka gobolka.

XS
SM
MD
LG