Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Trump oo loo Qaaday Cisbitaalka Walter Reed


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo la tacalaaya cudurka coronavirus ayaa fiidnimadii Jimcaha diyaarad helicopter ah looga qaaday Aqalka Cad, iyadoo la geeyay isbitaal militari halkaasi oo la filayo in uu ku nagaado ugu yaraan dhowr maalmood.

Madaxweynaha oo gacanta u haatiyay wariyeyaasha, ayaa raacay diyaaradda Marine One oo ka qaadday Aqalka Cad, gaysayna Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed, oo ku taal magaalada Bethesda, ee gobolka Maryland, isbitaalkaasi oo leh qolal u oggolaanaya madaxweynayaashu in ay ku shaqeeyaan iyagoo ku sugan cisbitaalka.

Ka dib markii helikabtarka ay caga dhigatay isbitaalka, Trump ayaa u dhaqaaqay gaari loogu tala galay in lagu geeyo albaabka laga galo dhismaha weyn ee isbitaalka.

“Iyadoo aad loo taxadarayo, iyo talo soo jeedinta dhakhtarkiisa iyo khuburo caafimaad, madaxweynaha ayaa maalmaha soo socda ku shaqeyn doona xafiisyada madaxtooyada ee cisbitaalka Walter Reed” ayay qoraal ay soo saartay ku sheegtay Afhayeenka Aqalka Cad Kayleigh McEnany.

Ma jirin tallaabo dhaqso ah oo awoodda looga wareejinayo madaxweynaha 74-jir ka ah laguna wareejinayo Madaxweyne Kuxigeenka Mike Pence oo ku sugnaa gurigiisa rasmiga ah, sida laga soo xigtay saraakiisha Aqalka Cad.

XS
SM
MD
LG