Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ay fulisay haweeney oo ka dhacay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Qarax is-miidaamin ah ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Baar Ubax iyo Black Sea ee degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Qarax oo la sheegay inay fulisay haweeney ayaa waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsan hey’adda nabad sugidda oo magaciisa lagu soo koobay Caano-Geel.

Sarkaal ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa rag horey uga soo goostay Al-Shabab oo hadda ka tirsanaa hay’adda Nabad Sugidda qeybta dhar cadka.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Seynab Abuukar Maxamed, ayaa warbixintan soo dirtay.

Qarax ay fulisay haweeney oo ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:52 0:00



XS
SM
MD
LG