MUQDISHO —
Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa hor yaalla hindise sharciyeedka dhismaha Hay’adda Aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta daweynaha, oo ay usoo gudbisay wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya, kaas oo maray akhrintii labaad ee golaha.
Sharcigan ayaa tilmaahaya dhismaha hay’adda iyo shaqooyinka ay qabaneyso, oo ay kamid yihiin ururinta xogaha dadka ee la diiwaan-geliyo taas lagu ogaanayo macluumaadka qofka, waxa uu qabto iyo halka uu daggan yahay.
Xeeldheereyaasha dhinaca ammaanka ayaa iyagana su’aal galinaya sida loo ilaalin karo xogta dadweynaha, oo haddii ay baxsato halis dhinaca ammaanka ah ku keeni karta dadka.
Cabulqaadir Maxamed Mursal Samakaab ayaa warbixintaan inoo haya.