Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Coronavirus ee dunida oo ku dhow hal milyan


Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegeysa in 120 milyan oo baaritaano deg-deg ah oo lagu ogaanayo cudurka coronavirus loo soo bandhigi doono waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah, iyadoo dhimashada ay ku dhowdahay hal milyan adduunka oo dhan.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva maalintii Isniinta ayaa sheegay in baaritaanada ay ku kacayaan wax ka yar $5.

Wuxuu sheegay in shiriikadaha Abbott iyo SD Biosensor ay si wada jir ah ula shaqeynayaan Hay'adda Bill iyo Melinda Gates si ay "uga dhigaan 120 milyan oo ka mid ah tijaabooyinka ogaanshaha cudurka COVID-19, oo si dhakhso leh loo isticmaali karo muddo lix bilood ah."

COVID-19 waa cudurka uu keeno Coronavirus.

Xarunta macluumaadka Coronavirus ee Johns Hopkins ayaa Isniintii werisay inay jiraan ku dhowaad hal milyan oo dhimasho oo adduunka oo dhan ah. Waxay sheegtay in in ka badan 33 milyan oo kays uu ka jiro adduunka oo dhan.

Hindiya gudaheeda, ayaa caabuqa Coronavirus ee waddanka ee la xaqiijiyay wuxuu gaaray 6 milyan Isniintii, wuxuu ka dambeeyaa oo keliya Mareykanka, halkaasoo caabuqu uu ka gudbay 7 milyan toddobaadkii hore.

Dalka Mareykanka, Robert Redfield, oo ah agaasimaha Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada, ayaa u sheegay televisionka NBC, in aan wali loo dhoweyn in uu dhamaado faafitaanka Coronavirus.

XS
SM
MD
LG