Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muuse Biixi oo u jawaabay Farmaajo


Farmaajo iyo Muuse Biixi
Farmaajo iyo Muuse Biixi

Heshiiskii doorashada ee ay gaareen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyadu ayaa waxaa ka mid ahaa in doorashada xubnaha matalaya Somaliland lagu qabto magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Madaxwetne Farmaajo oo xalay ka qaybqaadanayey barnaamij Isweydiin iyo Jawaab ah oo ka baxay telefiishanka dalwadda Soomaaliya ee SNTV ayaa mar kale ka hadlay midnimada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale madaxweyne Farmaajo uu ka hadlay wadahadalladii dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland.

Haddaba Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Xubnaha baarlamaanka Somaliland ee la sheegay in lagu dooran doono magaalada Mugdisho, isagoo ku tilmaamay weerar ay madaxda Soomaaliya ku qaadeen shacabka Somaliland, sida uu sheegay Biixi.

Waxaa sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi uu ka hadlay qaar ka mid ah hadalladii uu xalay jeediyey madaxweynaha Soomaaliya.

Warkan waxa Hargeysa k soo diray Khadar Maxamed Cakule.

Muuse Biixi oo u jawaabay Farmaajo
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:07 0:00


XS
SM
MD
LG