MUQDISHO —
Sanadihii ugu dembeeyay waxaa magaalada Muqdisho ay dadku habeenadii u dalxiis tagayeen xeebta Liido oo laga sameeyay hotello iyo maqaayado casri ah.
Inkastoo tamashalaha ay dadku nafis iyo neecow ka helaan, haddana waxaa jira walaac ay qabaan, maadaama bartamihii August hotel-ka Elite oo xeebta ku yaalla la weerara, laguna dilay 16 qof.
Shacabka reer Muqdisho iyagoo weli xusuusan wixii dhacay, haddana kama hor istaagin tegitaanka Liido iyo ku dalxiisidda xeebta.
Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdicaziiz Axmed Barrow.
Facebook Forum