Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo ka Doodaya Ansixinta Heshiiskii Doorashada


Xildhibaanada
Xildhibaanada

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh Muqdisho. Kulanka ayaa la sheegay in xildhibaannada labada aqal ay kaga doodayaan ansixinta heshiiskii ay dhowaan magaalada Muqdisho ku gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka.

Wararka aan ka heleyno xarunta uu shirku ka socdo ayaa sheegaya in xildhibaannada laba aqal ee fadhiga soo xaadiray oo ah 255 mudane loo qeybiyey nuqulka heshiiskii ay madaxdu gaareen ee looga heshiiyay arrimaha doorashooyinka 2020-2021-ka.

Wixii warar ah ee arrimahan ka soo kordha, sida ugu dhakhsa badan ayaynu idin kugu soo gudbin doonnaa.

XS
SM
MD
LG