ANKARA —
Waddanka Turkiga waxaa uu ka mid yahay meelaha Soomaalida ay waayadan dambe ay sida weyn maalgashiga dhaqaale ugu sameysanayaan.
Waxyaabaha ugu badan ee laga sameeyo waxaa ka mid ah guryaha oo ay Soomaalida ka gadanayaan dalkaasi, si ay u degaan ama uga dhigtaan maal-gashi ay muddo kadib sii iibiyaan si ay faa’iido uga helaan.
Dadka degaya dalkaas waxaa ka mid ah qurba joogta Soomaalida ee ka imanaya meelo ay ka mid yihiin Yurub iyo Waqooyiga America.
Warbixintan waxaa Ankara kasoo dirtay Intisaar Saalax Xuseen.