Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu ka dhigan yahay go'aanka lagu kala dirayo baarlamanka Kenya?


David Maraga

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya David Maraga ayaa Isniintii sheegay inuu Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta u gudbiyay inuu kala diro Xildhibaanada baarlamanka dalkaas.

Gudoomiye Maraga ayaa sheegay in baarlamanka Kenya uu ku guuldarraystay inuu meel mariyo tirada qoondada dumarka Kenyan-ka ee baarlamanka kuwaasoo hadda ah 76 Xildhibaan.

Garyaqaanadda dalka Kenya oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay si dhow ula socday ayaa sheegaya in tallaabadda uu qaaday gudoomiyaha maxkamadda sare ee Kenya ay tahay mid sharci ah oo ku qoran dastuurka Kenya.

Hadaba Cabdiqaadir Sheekh Xassan oo ah garyaqaan ka hawlgala Kenya ayaa sharxaya waxa uu ka dhigan yahay go’aanka gudoomiyaaha maxkamadda sare iyo waxa uu sharcigu ka qabo, waxaan Garyaqaan Cabdiqaadir uu u warramay Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:51 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG