Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo ku dhawaaqday xayiraado cusub oo COVID-19 looga hortagayo


Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa ku dhawaaqay xanibaadyo cusub oo dheeri ah oo socon kara muddo 6 bilood ah iyo bandow lagu soo rogayo ganacsiyada qaarkood marka la gaaro tobanka fiidkii ee xiliga Britain.

Boris Johnson oo la hadlayey mudanayaasha baarlamanka ayaa sheegay in ujeedku yahay in la bad-baadiyo waaxda caafimaadka ee NHS iyo ilaalinta nafta iyadoo hoos loo dhigo xayiraadaha si loo helo isku dheeli tirnaan – waxaa uu ka sheekeeyay xiligii adkaa ee dalku uu soo maray.

Khubadda Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo beegmaysa maalin uun kadib markii la taliyayaasha sar sare ee caafimaadka Britain ay sheegeen in bartamaha October uu cudurku maalin walba ku dhici doono 50,000 oo qof isla markaana ay u dhiman karaan 200 oo qof maalin walba, haddii sida xaalku hadda yahay aysan waxba iska badalin.

“Iyadoo laga yaabo in aan dib uga joogsanayno fayraskan ayaa hadana waxa la filan karaa in mar labaad uu soo laba kacleeyo cudurkan..waan ka xumahay in la yiraahdo sida Spian, France iyo dalal kale oo badan waxaa ay gaareen meel halis ah…bilk a hor waxaa dadka laga baaray xanuunka maalin walba 1000 kamid ah laga helayey Covid19 ..shalay oo kaliyana waxaa laga helay 3929 qof," ayuu yiri Boris Johnson

Xayiraadaha cusub waxaa kamid ah ganaax dhan £200 haddii qofku uu xiran waayo mask ama afka uusan daboolanXafiisyadu in ay sii xirnaan doonaan oo guryaha lagasii shaqeyn doono, maqaaxiyaha, baararka iyo goobaha lagu qaxweeyo in aysan shaqeyn karin 10:00 fiidnimo waxa ka dambeeya oo bandow ay galayaan, garoomada ciyaaraha oo sii xirnaan doona, in 15 qof ka badan aysan aroos isugu iman iyo 30 qof oo kaliya oo loo ogolyahay duugta ama aaska.

Goobaha waxbarashada ayaa sii furnaan doona iyadoo lagu dhaqmayo shuruudaha loo dajiyay sida uu sheegay ra'iisul wasaaraha.

“Waxaan kordhin doonnaa shuruudaha xirashada maska ama af-xirashada oo laga doonayo ganacsatada dukaamada yar yar, dadka isticmaala tagaasida, gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay, shaqaalaha iyo macaamiisha cisbitaalada marka laga rabo in uu qofku wax cunayo ama cabayo,” Boris Johnson.

Ka hor inta aanu ka hadal baarlamanka ayaa Boris waxaa uu la shiray guddiga gaarka ah ee amniga ee Cobra iyo Golihiisa Wasiiradda
Booris Johnson ayaa khudbadiisii baarlamanka wuxuu ku hanjabay in ciidanka milatarigu ay suurtagal tahay in ay caawiyaan booliska haddii loo hogaansami waayo talaabooyinkan iyo xayiraadahan cusub.

XS
SM
MD
LG