Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Garsoore ka Tirsan Maxkamadda Sare oo Geeriyootay


Ruth Bader Ginsburg
Ruth Bader Ginsburg

Ruth Bader Ginsburg oo ahayd garsoore muddo dheer ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa fiidnimadii Jimcaha u geeriyootay cudurka kansarka.

Ginsburg, oo aheyd haweeneydii labaad ee garsoore ka noqota Maxkamadda Sare, ayaa ku dhimatay gurigeeda oo ku yaal caasimadda Washington iyadoo ay qoyskeedu ku hareereysnaayeen, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maxkamada. Waxa ay ahayd 87 jir.

“Qarankeennu wuxuu lumiyay astaan taariikheed,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Madaxa Maxkamadda Sare John Roberts.

Ginsburg ayaa ahayd ololeeye xuquuqda dumarka ah waxayna ahayd garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare illaa 1993-kii.

Waxay u dhimatay dhibaatooyin ka dhashay kansarka xameetida ku dhaca, sida ay Maxkamaddu ku sheegtay qoraalkeeda.

Dhimashada Ginsburg ayaa siineysa Madaxweyne Donald Trump suurtagalnimada inuu sii ballaariyo aqlabiyadda garsooreyaasha muxaafidka ee Maxkamadda Sare, islamarkaana uu magacaabo garsoore saddexaad, xilli ay doorashadu soo dhowaaneyso.

Dhimashada Ginsburg ayaa durbadiiba isla xalay Mareykanka ka dhex abuurtay dagaal siyaasadeed, ka dib markii uu hogaamiyaha aqlabiyadda golaha Senante-ka Mitch McConnell uu madaxweyne Donald Trump ku casuumay inuu si deg deg ah u soo magacaabo garsoorihii beddeli lahaa Ginsburg.

McConnell ayaa iska dhaga tiray baaqyo is-daba joog ah oo ka soo baxay Dimuqraadiyiinta oo dalbanaya in aaney Golaha Senate-ka oo ay aqlabiyaddiisa leeyihiin xisbiga Jamhuuriga ansixin garsooraha cusub ee Maxkamadda Sare illaa laga gaarayo xilliga doorashada madaxtinimada ee 3-da November.

Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka Joe Biden ayaa isna xalay sheegay inuusan shaki uga jirin in garsooraha baddali doona Ginsburg uu soo xuli doono madaxweynaha ku guuleysta doorashada soo socota.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa ka kooban 9 garsoore, oo aanan waligood la badalin illaa ay iska casilaan ama dhintaan.

Raadiyaha Qaran ee NPR ayaa wariyay in maalmo ka hor geerideeda ay Ginsburg waraaq u yeerisay gabar ay ayeeyo Clara Spera,iyadoo qoraalka ku sheegtay "rabitaankeyga aadka u weyn ayaa ah in aan la i beddelin illaa madaxweyne cusub la soo doorto.”

XS
SM
MD
LG