Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel, Bahrain iyo Imaaraadka oo heshiis taariikhi ah gaaray


Dawladda Israa'iil ayaa heshiis taariikhi ah la saxiixatay waddamada Carabta ee kala ah Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn.

Heshiiskan ayaa lagu saxiixay Aalka Cad ee looga taliyo Maraykanka. Heshiiskan taariikhiga ah ayaa loogu magacdaray "Arbaham Accord".

Heshiiskan waxaa dhexdhexaadintiisa lahaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku dhowaaqay labada heshiis muddo bil ah gudaheed.

Waddamada Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa noqonaya labadii waddan ee ugu horreeyey ee heshiis nabadeed la gaara Israa'iil muddo tobannaan sano ah. Waxaa horey heshiis uu u dhexyaallay waddamada Israa'iil iyo Masar oo heshiis gaaray sannadkii 1979-kii, halka waddamada Israa'iil iyo Urdun ay iyaguna heshiis gaareen sannadkii 1994-kii.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in shan ama lix waddan oo kale ay doonayaan inay heshiis nabadeed la gaaraan Israa'iil.

XS
SM
MD
LG