Dadweynaha gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa u dareeyay goobaha cod bixinta shalay (Arbaco) xilli dowladda dhexe ay ka biyo diidsan tahay qabashada doorashada xilligan, sababaha Covid19 darteed.
Xisbiga The Tigray Independence Party, oo la abuurey kadib markii u xukunka qabtey Raywasal wasaare Abiy Ahmed 2018, ayaa isku dayaya inay ka go'aan Itoobiya inteeda kale.
Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Mursal ayaa khadka telefonka kula xiriiray Nuur Xasan oo ka faalooda arrimaha gobolka Bariga Afrika, waxana uu wax ka waydiiyay waxay Itoobiya uga dhigan tahay doorashadaasi?
Facebook Forum