Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorasho xasaasi ah oo ka dhaceysa gobolka Tigray ee Itoobiya


Dadweynaha gobolka Tigray-ga ee dalka Itoobiya ayay maanta u dareereen goobaha cod bixinta, iyagoo ka qayb qaadanaya doorasho ay isku maandhaafsan yihiin gobolkaas iyo dawlada dhexe.

Guddiga doorashada ee dalkaasi ayaa doorashada dib u dhigey xanuunka Covid19 awgeed, hasa yeeshee, shacabka Tigrayga ayaa soo dooranaya aqalka baarlamaanka heer gobol oo ka kooban 190 kursi, kuwaas oo iska dhega tirey warka ka ka soo baxay dowlada dhexe.

Haddaba doorashadani maxay ka dhigan tahay? Su'aashaas iyo kuwo kale ayaa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac uu weydiiyay Mustafe Maxamuud Cabdilaahi (Al-Khaliili) oo barre ka ah jaamacadaha magaalada Hargeysa, waxaana uu marka hore sharaxayaa waxa keenay in gobolkani uu si gaar ah doorasho u qabsado.

Doorasho ka dhaceysa gobolka Tigree ee Itoobiya
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:13 0:00


XS
SM
MD
LG