Isku xirrada

War Deg-Deg ah

India iyo China oo ku heshiiyay in ay dejiyaan xiisadda ka dhex aloosan


India iyo China ayaa Sabtida maanta ah sheegay in ay ku heshiiyeen yareynta xiisadda ka aloosan xaduudda ay wadaagaan, ka dib kulan ay maanta yeesheen wasiirrada gaashaadhigga ee labadan dal ee ugu awoodda badan Asia.

Labadan waddan ayaa bishii June ee sanadkan kordhiyay ciidamada ka jooga xadka buuraleyda galbeedka Himilaya, ka dib markii iska hor-imaad labada dhinac dhex maray ay ku dhinteen ugu yaraan 20 askari oo ka tirsan millatariga India. Shiinaha ayaan wali soo badndhigin khasaaraha dhankiisa ka soo gaaray iska hor-imaadkaasi.

Wasiirka difaaca India Rajnath Singh iyo dhiggiisa China General Wei Fenghe ayaa xalay isku arkay shir ka dhacay magaalada Mosocw. Kulankaas ayaa noqday kii ugu horreeyay oo ay saraakiil sare oo labada dhinac si fool-ka-fool ah isku arkaan tan iyo markii ay ciidamada labada dal ay isku rasaaseeyeen xadka.

Wasiirka gaashaandhigga India ayaa sheegay in labada dhinac ay hadda ku heshiiyeen in aanan la qaadin tallaabo uga dari karta xaaladda ama ficil sii xumeyn kara xaaladda xuduudda labada waddan.

XS
SM
MD
LG