Allaha u naxariistee, Maxamed Yuusuf Abiikar oo maalmo ka hor lagu dilay magaalada Winnipeg ee dalka Canada ayaa Jimcihii shalay lagu aasay magaalada Toronto oo ay deggen yihiin reerkiisa. Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas looga dhuftay qeybaha kore ee jirkiisa.
Waalidka marxuumka ayaa ku rajo weyn in la soo qabto kuwii ka dambeeyay dilkiisa.
Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Yaasiin Abiikar oo adeer u ah marxuumka.
Facebook Forum