Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Netanyahu: Wadahadallo Qarsoodi ah ayaan la Leenahay Dalal Carbeed


Ra’iisulwasaaraha Israel ayaa sheegay in uu jiro wadahallo qarsoodi ah oo Israel ay la leedahay dhowr dal oo Carbeed oo ay cilaaqaad sameysanayaan, waxaana taas u dheer xiriirkii dublomaasiyadeed ee horaantii bishan ay Israel la yeelatay Imaaraadka Carabta.

"Waxaa jira shirar aan la shaacin oo Israel ay la yeelatay hoggaamiyeyaal Carab iyo Muslimiin ah oo lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka ay la leeyihin Israel” Benjamin Netanyahu ayaa sidaas maanta oo Axad ah sheegay ka hor inta aanay berrito dalka Imaaraadka Carabta u ambabixin duulimaadkii ganacsi ee ugu horreeyey ee Israel ay leedahay.

Dhanka kale, Israel ayaa rajeyneysa in bartamaha bisha September lagu qabto magaalada Washington munaasabadda saxiixa heshiiska ay xiriirka dublumaasiyadeed ku caadiyeyneyso ee ay la gashay Imaaraadka Carabta, xubin ka tirsan golaha Ra'iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa sidaasi sheegay maanta oo Axad ah.

Wasiirka Iskaashiga Gobolka ee Israel Ofir Akunis ayaa u sheegay warbaahinta dowladda ee Kan in taariikhda saxiixa la qabanayo ay go'aan ka gaari doonaan kaaliyayaasha sare ee Netanyahu iyo kuwa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump marka ay masuuliyiintani u duulaan magaalada Abu Dhabi Isniinta berri ah si ay wadahadal ula yeeshaan saraakiisha Imaaraadka.

La-taliyaha sare ee Trump Jared Kushner iyo wafdi kale oo Mareykan ah ayaa Axadda maanta ah gaaray Israel si ay ugu diyaar garoobaan safarka Imaaraadka.

Akunis ayaa sheegay in xukuumadda Netanyahu ay rajeynayso in xafladdu ay dhacdo ka hor sanadka cusub ee Yahuudda ee Rosh Hashanah oo ah 18-ka September.

Israel iyo Imaaraadku ayaa 13-kii August ku dhawaaqay in ay caadi ka dhigi doonaan xiriirka diblomaasiyadeed ka dib heshiis uu garwadeen ka ahaa Madaxweyne Trump. Heshiiska ayaa dib u qeexaya xaaladda Bariga Dhexe, laga bilaabo arrinta Falastiin iyo xiriirka Iran.

Saraakiisha labada dal ayaa sheegay in ay isha ku hayaan iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyada difaaca, caafimaadka, beeraha, dalxiiska iyo teknolojiyadda.

XS
SM
MD
LG