Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bannaanbax looga soo horjeedo hab-dhaqanka booliska oo kadhacay Wisconsin, USA


Illaa iyo 1,000 qof ayaa ka qeybgalay bannaan Sabtidi shalay ka dhacay magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka, kaasoo looga soo horjeeday dhaawac halis ah oo ay askar ka tirsan booliska todobaadki hore u geysteen Jacob Blake oo ka tirsan bulshada madow ee Mareykanka.

Ka qeybgalayaashi bannaanbaxa ayaa ku qeylinayay erayo ay ka mid ahaayeen “Nolosha Dadka Madow waa Muhiim” iyo “Haddii aaney caddaalad jirin, nolol ma jirto.

Toogashadi ay boolisku toogteen Blake oo 29 jir ah, isaga oo ay daawanayeen saddex carruur ah oo uu dhalay, ayaa falcelinti ka dhalatay sababtay bannaanbaxyo aanan kala go’laheyn oo qaarkoodna rabshado watay.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu magaalada Kenosha booqan doono Talaadada, si uu ula kulmo ciidanka amniga una qiimeeyo khasaaraha ka dhashay rabshadaha.

XS
SM
MD
LG